Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan caadi ah oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
intii uu shirku socday, waxaa lagu ansixiyey wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo Horumarinta Sharciga, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Ansixinta xeerarkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loogu talagalay in lagu horumariyo nidaamka cadaaladda iyo awoodda lagu tababaro khubarada sharciga ee dalka, si loo taageero dib-u-dhiska hay’adaha garsoorka Soomaaliya.




From the comments