Lubnaan oo yeetay madaxweyne cusub

Taliyaha ciidamada Lubnaan Joseph Aoun ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee dalkaasi ka dib doorasho baarlamaani ah oo 128 mudane ay codbixiyaal ka ahaayeen.
Doorashadan ayaa jabisay ismari-waagii sababay in dalka uu noqdo madaxweyne la’aan tan iyo bishii Oktoobar 2022, xilligaas oo uu xilka banneeyay Michel Naim Aoun oo ilaa 2016-kii talada hayay.
General Joseph Aoun ayaa 99 cod ka helay 128-ka kursi ee baarlamaanka, waxa uuna
hoggaamin doonaa dalka uu qalalaase daashaday oo taniyo 70-meeyadii xasrado siyaasadeed oo kala qeybsanaanta diinta saldhig u tahay la daalaacayay.
Sidoo kale dalkan ayaa dhowaan dhibane u noqday dagaal lagu hoobtay oo dhex maray ururka Xisbullahi iyo maamulka Israa’iil, kaas oo todobaadyo ka hor xabad joojin laga gaaray.