War Degdeg ah: Weerar Lagu Qaaday Xabsiga Weyn ee Gaalkacyo
Saakay aroortii ayaa maleeshiyaad hubeysan weerar ku qaadeen xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka Puntland, iyagoo isku dayay in ay soo furtaan dad uga xirnaa xabsigaasi.
Ilaa iyo haatan ma cadda in ay ku guuleysteen inay la baxaan maxaabiista ay doonayeen.
Maleeshiyaadka ayaa la kulmay iska caabin xooggan oo kaga timid ciidamada ilaalada xabsiga, taas oo sababtay dagaal culus.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda ay yihiin maleeshiyaadka weerarka fuliyay.
Dhowr sano ka hor, isla xabsigan waxaa ka baxsaday maxaabiis tiro badan oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Qaar ka mid ah maxaabiistaas ayaa dib loo qabtay, halka kuwa kalena weli lagu raad joogo.
Saraakiisha ammaanka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan.
Wixii kusoo kordha kala Soco Goobjoog.com