Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Dalladaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xubnaha kulanka ka qeybgalay ka dhagaytay aragtidooda iyo talooyinkooda la xiriir xaalada dalka, gaar ahaan arimaha siyaasada, doorashooyinka, dib-u-heshiisiinta iyo amniga.
Madaxweynaha ayaa ururrada la wadaagay warbixin guud oo ku aaddan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dhincyada daadajinta adeegyada bulshada, soo celinta maqaamka qarankeennu ku lahaa fagaarayaasha caalaamka, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisida iyo diyaargarowga ballaaran ee loogu jiro hirgalinta doorashooyinka tooska ah.




From the comments