Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen madaxda dalkaasi.
Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa daarra sii ambaqaadidda heshiiskii ay dhowaan labada dal ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaas oo soo afjaray xiisad xooggan oo ku dhowaad sanad ka dhex aloosnayd dowladahan deriska ah.
War qoraal ah oo ay soo saartay madaxtooyada Soomaaliya ayaa Socdaalka Madaxweynaha ee Addis Ababa ku tilmaamay mid looga golleeyahay xoojinta iskaashiga iyo xariirka labada dhinac.




From the comments