U bood dhigaalka

Mareykanka oo cuna-qabataynno cusub ku soo rogaya Ruushka

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu Ruushka ku soo rogayo cunaqabateyn ballaaran oo lagu tilmaamay kuwii ugu darnaa, islamarkaana ka dhan ah waaxda tamarta ee Ruushka.

Cuna-qabataynnadan ayaa si gaar ah loogu beegsan doonaa, shirkadaha ka shaqeeya soo saaridda saliida ama shidaalka ee dalkaasi Ruushka.

Cuna-qabataynnadan ayaa ku soo beegantay maalmo yar ka hor dhamaadka muddada Madaxweyne Joe Biden, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaana sheegtay in cunaqabataynnadan ay ujeedadoodu tahay in hoos loo dhigo shidaalka iyo kheyraadka Moscow si loo wiiqo awoodda dhaqaale ee Ruushka.