Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, oo ay wehliyeen Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), xildhibaanno, odayaal dhaqameed, iyo saraakiil ciidan ayaa maanta ku guuleystay in ciidamada amniga si buuxda ula wareegaan xarumaha dowladda iyo maamulka ee ku yaalla xerada Lamagalaay ee Beledweyne.
Mas’uuliyiintaan ayaa xerada kala wareegay Maleeshiyaad deegaanka oo muddo gacanta ku hayay xerada iyo xarumaha dowladda si ay uga shaqeeyaan Amniga deegaanka.
Hawlgalkaan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu xaqiijiyay in xarumaha muhiimka ah ee maamulka lagu soo celiyo gacanta dowladda, iyadoo lagu dhaqmayay qorshayaal lagu sugayo amniga iyo xasiloonida gobolka.




From the comments