Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in magaalada Muqdisho aysan ka jirin wax khatar amni ah, kadib markii kooxda Shabaab isku dayeen inay cabsi abuuraan.
Kooxahan ayaa miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam.
Baaritaan lagu sameeyay miinooyinkaas ayaa lagu ogaaday inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan wax khatar ah lahayn, iyadoo aysan jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay dhacdadaas sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska.




From the comments