Madaxweynihi xilka laga xayuubiyay ee Kuuriyada Koofureed oo la xiray
Waaxda la dagaallanka musuq maasuqa Kuuriyada Koofureed ayaa shaacisay in aroornimadi hore ee Arbacada maanta ah lasoo xiray madaxweynihi xilka laga xayuubiyay ee dalkaasi Yoon Suk Yeol.
Xariga Yoon ayaa yimid saacado kaddib marki ay boqollaal ka mid ah baarayaasha waaxdan iyo saraakiil boolis ay galeen hoyga Yoon Suk Yeol.
Wuxuu ahaa iskudaygi labaad ee ay ciidamada boolisku ku galaan guriga madaxweynihi hore.
Kolonyo gaadiidka booliska oo kasii baxaya guriga madaxweynihi hore ayaa laga arkay muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Yoon ayaa muddo todobaadyo ah diidaanaa in uu isu dhiibo ciidamada hey’adda la dagaalanka musuqa ee Kuuriyada Koofureed, kuwaas oo ku soo oogay dacwado la xiriira musuq maasuq iyo isku day afganbi, hase yeeshee qareennadiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah ayaa is hor taagay xariga madaxweynihi hore.
Yoon Suk Yeol ayaa 3-di bishaan December dul dhigay waddanka Kuuriyada Koofureed amar deg deg ah, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa meesha ka saari lahaa xakunka madaniga ah, awoodda baarlamaanka iyo booliska, taladana ku koobi lahaa kaliya madaxweynaha.
Yoon Suk Yeol, waxa uu ku dhashay Bomun-dong oo ka tirsan degmada Seongbuk ee Seoul, 18 Diseembar sanadkii 1960, waxa uu ku koray Yeonhui-dong, oo ka tirsan degmada Seodaemun, waxa uu ka soo jeedaa qoys waxbarasho, waana Madaxweynihii 13 aad ee Kuuriyada Koonfureed.
Waxa uu dhiganayay Dugsiga hoose ee Daegwang iyo dugsiga dhexe ee Joongrang, isaga oo u wareegay dugsiga dhexe ee Choongam ka dib markii uu dhammaystay fasalka siddeedaad, waxa uuna ka qalin jabiyay dugsiga Sare ee Choongam.
Waxa uu laba shahaado ka qaatay Jaamacadda Qaranka ee Seoul ‘Seoul National University’, waxa uu soo qabtay xilal kala duwan, waqtigiisii ugu badnaa waxa uu ku soo qaatay xeer ilaalin isagoo ka soo kala shaqeeyay xafiisyo kala duwan oo la xiriira xeer ilaalinta, illaa markii danbe uu noqday madaxweynaha Xisbiga Awoodda Dadweynaha ee People Power Party (PPP).
Aabihii, Yoon Ki-jung, waxa uu ahaa borofaysar cilmiga dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Yonsei iyo xubin buuxda oo ka tirsan Akademiyada qaranka iyo Sayniska ee Kuuriya.
Hooyadii, Choi Seong-ja, waxay bare ka ahayd Jaamacadda Ewha Womans ka hor inta aysan shaqada ka tagin oo aan la guursan.
Yoon ayaa ah siyaasi iyo qareen u dhashay Kuuriyada Koonfureed, waxa uuna madaxweyne noqday sanadkii 2022.
Sharci dajiyayaasha Kuuriyada Koonfureed ayaa horraantii December u codeeyay in xilka laga qaado madaxweyne Yoon Suk Yeol, kaddib markii uu isku dayay in dalka uu ku soo rogo ‘martial law’ oo ah xukun milatari, taas oo ay ka dhasheen dibadbaxyo waaweyn oo dalkaas ka dhacay.
204 xildhibaan ayaa taageeray mooshinka, waxaana ku jira qaar ka tirsan xisbigiisa People Power Party (PPP).