Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Hambalyo u Diray Ciidamada Puntland ee Ka Hortagaya Daacishta ku sugan buuraha gobolka Bari.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa boggaadiyay guulaha muhiimka ah ee ay Ciidamada Puntland ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Daacish.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ugu garab taagan tahay ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland, kuwaas oo si naf hurnimo leh uga shaqeynaya badbaadinta shacabka iyo difaaca amniga dalka.




From the comments