Ra’iisul wasaaraha dalka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay heshiis xabbad-joojin ah oo ay wadajir u gaareen Xamaas iyo Israa’iil.
Qatar, Masar, iyo Mareykanka ayaa ka shaqeeyaay heshiiskan, waxayna dhammaan dhinacyadaasi muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin inay ku dhawaaqaan in heshiis laga gaaray dagaalkii lagu hoobtaay ee marinka Qasa.
heshiiskan ayaa dhaqan-galaya maalinta Axadda ee taariikhdu ay tahay 19-ka Jannaayo, wuxuuna gogol-xaar u noqan doonaa heshiis dhammeystiran oo horseedi doona in dhammaan maxaabiista la siidaayo, ciidamada Israa’iilna ay ka baxaan Qasa sida qorshuhu yahay.




From the comments