Xabad-joojinti ay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas ayaa lagu wadaa in saaka 8:30 subaxnimo xilliga Bariga Dhexe ay ka dhaqan gasho guud ahaan Marinka Gaza, sidaasi waxaa Sabtidi shalay magaalada Doha kaga dhawaaqay dhexdhexaadiyaasha wadahadallada.
Gudaha Isra’il, qoysaska ay ka maqan yihiin dadka lagu hayo Gaza ayaa sugayo liiska magac-yada ugu horreeysa ee la heystayaasha gacanta ugu jira Xamaas, halka Falastiiniyiinta ay isu diyaarinayaan soo dhaweynta boqollaal laga soo sii deyn doono xabsiyada Isra’il.
Laakin khudbad xalay laga sii daayay telafishannada Isra’il, ayuu ra’isulwasaare Benjamin Netanyahu ku sheegay, in Isra’il ay xabbad joojintani uga dhignaan doonto kumeel gaar.




From the comments