U bood dhigaalka

Trump oo durba soo saaray amarradii ugu adkaa

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump oo saacado ka hor loo dhaariyay xilka madaxweynaha dalkaasi ayaa durbaba is badel maamul oo xoog leh, kuwaas oo ay ku jiraan burinta qaar kamid ah go’aamadii uu horay u gaaray madaxweynaha xilka ku wareejiyay ee Joe Biden.

Go’aamada uu saxiixay Trump ayaa waxaa kamid ah inuu  ku dhawaaqay ka bixitaanka Mareykanka ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee loo soo gaabiyo (WHO).

Sidoo kale maamulka Trump wuxuu Ku dhawaaqay inuu Mareykanka ka baxay heshiiska Cimilada ee Paris, kaas oo ah mid muhiim ah dunida oo dhan.

Trump wuxuu mamnuucay in soo galootida la siiyo jinsiyadda ama sharciga Mareykanka, asagoo ku hanjabay inuu musaafirin doono dadka sida sharci-darrada ah ku galay dalkaas.

Sidoo kale wuxuu xaalad degdeg ah ku soo rogay xuduudda koonfureed ee Maraykanka, wuxuuna buriyay ku dhawaad ​​80 ka mid ah amaradii uu horay u soo saaray Joe Biden, kuwaas oo fulintoodu ay dhimanayd.

Madaxweyne Donald Trump sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inaan Mareykanka laga oggolaan doonin dadka jinsigooda badaleya, dagaalka Ukraine-na uu muddo 100 maalmood ah ku soo afjari doono.