Madaxweynaha JFS oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar kamida madaxdii ka qeyb-galay shirka Sanadka laha ah ee dhaqaalaha Adduunka
Sheeko:Madaxweynaha 10-aad
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalayey Madasha Sanadlaha ee Dhaqaalaha Adduunka ee Davos ayaa kulan doceedyo la yeeshay qaar kamida madaxdii ka soo qeyb-galay shirka
omadaxda uu kulan doceedyada la yeeshay madaxweynuhu ayaa waxaa kamid ahaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka aan walaalaha nahay ee Liibya Mudane Maxamed Al Menfi iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Malaysiya Mudane Anwar Ibrahim.
Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha uu la kulmay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dalalkooda kala dhexeeya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo mudnaanta siinayey fursadaha iskaashi, taas oo qeyb ka ah qorshaha ka qeyb-galka wafdiga Madaxweynaha ee Madasha Davos.