Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta.
ee Masar, Mudane Abdel Fattah El-Sisi.
Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo nabadda ee gobolka.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isla soo qaadi doona baahida loo qabo horumarinta xiriirka dhaqaalaha iyo sare u qaadida heerka ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaanta siinayaan kor u qaadista fursadaha iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta.




From the comments