Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saartay amarro culus oo lagula socanayo dadka ajaanibta ah ee soo galaya deegaanada maamulkaas, si looga hortago falal nabad-gelyada wax u dhimaya.
Amarrka ugu horreeya ee ay soo saartay Wasaaraddu ayaa ah inaan deegaanada Puntland cirka, Badda, iyo Berrigaba ka soo geli karin cid aan haysan oggolaanshaha dowlad goboleedkaas.
Sidoo kale Shirkadaha iyo xarumaha kala duwan ee ay u shaqeeyaan ajaaniibta ayaa lagu wargeliyay in laga doonayo in ay shaqaalohooda ajaanibta ah ku diwaangeliyaan muddo 72 saacadood gudahood ah.




From the comments