Xiisad Dhaqaale oo Ka Dhex Qaraxday Mareykanka iyo Colombia
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii shaaciyey in maamulkiisu uu dul dhigi doono canshuur dhan 25% badeecadaha ay Colombia u dhoofiso Mareykanka.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii dowladda Colombia ay diidday in labo diyaaradood oo millatariga Mareykanka ah, kuwaas oo sidey muwaadiniin reer Colombia ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka, ay hawadeeda soo galaan.
Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, oo si degdeg ah uga jawaabay tallaabadan, ayaa isna ku dhawaaqay in dalkiisu uu sidoo kale dul dhigayo canshuur 25% ah badeecadaha Mareykanka uu u dhoofiyo Colombia.
Khilaafkan ayaa dhaliyay cabsi laga qabo inuu saameyn ballaaran ku yeesho ganacsiga labada dal, iyadoo Colombia ay ka mid tahay wadamada la tacaamula Mareykanka dhinaca badeecadaha sida kafeyga, miro kala duwan, iyo dharka.
Dhanka kale, Mareykanka wuxuu dhoofiyaa Colombia alaabooyin ay ka mid yihiin baabuurta, qalabka farsamada, iyo daawooyinka.
Xeeldheerayaasha arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegaya in xiisaddan ay keeni karto xasarad dhaqaale oo dheeraad ah, maadaama labada dal ay yihiin iskaashi ganacsi oo muhiim ah.
Waxaa la sugayaa in wadahadallo dheeraad ah lagu xalliyo muranka si looga fogaado saameynta dhaqaale ee suurtagalka ah.