Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania, si uu uga qayb galo Shirweynaha Tamarta Afrika ee “Mission 300”, oo maanta furmay.
Shirkan oo sanadkan ku saleysan Dardargelinta Helitaanka Tamarta la jaanqaadi karta Horumarka Waara ayaa waxaa isugu imaanaya madaxda sare ee dalalka Afrika, hay’adaha caalamiga ah ee horumarinta, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo khubarada ku xeel dheer arrimaha tamarta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa madasha ku soo bandhigi doona aragtida iyo qorsheyaasha dowladda Soomaaliya ay ka leedahay horumarinta tamarta, iyada oo la xoojinayo iskaashiga heer gobol iyo heer caalami.




From the comments