Soomaaliya oo Shaacisay in Masar ay Laba Ciidan keeni doonto Dalka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in dalka ay soo gaari doonaan laba ciidan oo ka socda dalka Masar.
Ciidamadan ayaa kala ah kuwa ka mid noqonaya Howlgalka Nabad Ilaalinta Afrika ee cusub (AUSSOM) iyo kuwo madax-bannaan oo ku imanaya iskaashi ka dhexeeya labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan gelisay sidii Masar ay qeyb uga noqon lahayd taageerada amniga dalka.
Wuxuu xusay in keenista ciidamada Masar ay ahayd arrin culeys laga maray, balse ay qayb ka tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo dadaallada nabadgelyada.
Howlgalka AUSSOM, oo beddelaya ATMIS, ayaa la filayaa in uu door muhiim ah ka ciyaaro sugidda amniga, halka ciidamada kale ee Masar ay la shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo iskaashiga amni iyo tababarada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga milatari ee ay la leedahay dalalka saaxiibada la ah, si loo dardargeliyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga.