U bood dhigaalka

Iska Horimaad Dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Koox Hubeysan oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:War

Barqonimadii maanta ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile, waaxda Ciise Cabdi, waxaa ka dhacay iska horimaad culus oo dhexmaray ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo koox hubeysan.

Sida wararka la helayo xaqiijinayaan, dagaalkaas ayaa sababay dhimashada ugu yaraan labo qof.

Ilo deegaanka ah ayaa  sheegay in kooxdan hubeysan ay dhac ka geysaneysay xaafado ka tirsan waaxda Ciise Cabdi, taasoo keentay in ciidamada ammaanka ay deg-deg uga falceliyaan.

Iska horimaadka ka dib, waxaa goobta lagu toogtay dabley ka tirsan kooxdii hubeysneyd.

Saraakiil ka tirsan booliska, nabadsugidda, iyo ciidamada sida militariga u tababaran ayaa markiiba goobta gaaray, iyagoo xabsiga dhigay dad looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin falalka amni-darro.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xiray aagga uu dagaalku ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada baaritaanno dheeraad ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoo degmada Dayniile ay marar badan marti u noqotay falal amni darro. Waxaa la xusuustaa in dhowaan isla deegaankaas lagu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda.