U bood dhigaalka

Salwan Momika Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Sweden Xilli Uu Ku Jiray Muuqaal Toos Ah

Sheeko:War

Salwan Momika, 38 jir ah oo u dhashay Ciraaq, kuna caan baxay gubista nuqullo ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah ee ka dhacay Sweden sanadkii 2023, ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Södertälje oo u dhow caasimadda Stockholm.

Booliiska ayaa sheegay in habeenimadii Arbacada ay heleen warbixin ku saabsan toogasho ka dhacday dhisme guri, halkaas oo ay ka heleen nin qaba dhaawacyo rasaas ah, kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa xaqiijisay in ninka la dilay uu yahay Salwan Momika.

Momika ayaa horey u qabtay bannaanbaxyo uu ku gubay Qur’aanka, taas oo dhalisay caro iyo cambaareyn caalami ah, gaar ahaan dalalka Muslimiinta.

Waxaa sidoo kale lagu waday in maxkamad ku taalla Stockholm ay xukun ku rido isaga iyo eedeysane kale oo lagu soo oogay dacwado la xiriira “kicin naceyb ah”.

Booliiska ayaa bilaabay baaritaan hordhac ah oo la xiriira dilka, waxaana la xiray dhowr qof oo looga shakisan yahay kiiskan.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Momika, hase yeeshee, dhacdadan ayaa imaaneysa iyadoo dalka Sweden uu wajahayo hanjabaado amni oo sii kordhaya oo la xiriira ficilladii gubista Qur’aanka ee uu sameeyay Momika.