U bood dhigaalka

Jahwareerka iyo Dhaliilaha Dul Hoganaya hay’adda SoDMA

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa wajahaysa dhaliilo xoogan oo la xiriira qaabka ay u maareyso gurmadka musiibooyinka iyo farriimaha is khilaafsan ee ay bulshada u dirto.

Tan iyo intii ay bilaabeen baaqyada la xiriira roobabka Gu’ga iyo Abaaraha 2025, waxaa soo baxayay tuhun ku aaddan in hay’addu aysan lahayn istiraatiijiyad cad oo wax looga qabanayo saameynta ay abaartu keeni karto.

Yuusuf Cumar, oo ah khabiir ku takhasusay maareynta musiibooyinka, ayaa sheegay in hay’adda ay dhaqaale badan ku bixiso farriimo iska hor imaanaya oo dadka jahwareer geliyay, taasoo meesha ka saartay wax-ku-oolnimadii hay’adda.

Wuxuu intaas ku daray in dhaqaalihii caalamiga ahaa ee loogu talogalay horumarinta la dagaallanka abaaraha la beddelay loona weeciyay gargaar deg-deg ah oo maalinle ah, taasoo aan waxba kusoo kordhin xal waara oo lagula tacaalo dhibaatooyinka soo noqnoqda.

“SoDMA waxay lumisay kalsoonidii ay bulshada ku lahayd. Maalin walba waxay soo saartaa farriimo aan isku xirnayn, kuwaas oo dhaqaale raadis ah, halkii ay ka shaqeyn lahayd xal waara. Tani waxay dhaawacday sumcadda hay’adda iyo tan dalka.” ayaa lagu yiri Yuusuf.

Inkasta oo SoDMA ay si wadajir ah ula soo saartay FAO baaq ku aaddan roobabka Gu’ga ee 2025, haddana dad badan ayaa su’aal ka keenay awoodda hay’adda ee fulinta qorshayaashan.

Bulshada Soomaaliyeed iyo ganacsatada ayaa dareemaya kalsooni darro, iyagoo ka cabanaya in hay’adda aysan ka tarjumayn baahiyaha dhabta ah ee shacabka, balse ay ku mashquulsan tahay ololeyaal dhaqaale raadis ah.

Waxaa muuqata in SoDMA ay u baahan tahay dib u habeyn iyo in ay la timaado hannaan daahfuran oo bulshada lagu wacyigeliyo si wax-ku-ool ah, halkii ay ka bixin lahayd farriimo iska hor imaanaya oo kalsoonida bulshada dhaawacaya.