Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay u baahan tahay Mareykanka si ay Al-Shabaab uga adkaato”
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Washington Post kaga hadlay xiriirka Mareykanka, dagaalka Al-Shabaab, iyo sida uu doonayo in uu Soomaaliya uga dhigo dal nabdoon oo dimuqraadi ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya aysan dooneyn in Mareykanka kala baxo la-taliyeyaasha iyo khubarada gacan ka siinaya tababarka ciidamada gaarka ah ee dalka.
“Waxaan ka codsaneynaa Madaxweyne Trump inuusan kala bixin la-taliyeyaasha iyo khubarada Mareykanka ee gacan ka siinaya tababarka ciidamadeenna gaarka ah. Xaqiiqdii, waxaan rabnaa in Mareykanku kordhiyo tiradooda si aan uga adkaanno Al-Shabaab inta uu xilka hayo Madaxweyne Trump,” ayuu yiri.
Markii la weydiiyay haddii Soomaaliya awood u leedahay in ay daciifiso Al-Shabaab iyada oo aan Mareykanka taageerin, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh caddeeyay in dagaalka Soomaaliya uu ka duwan yahay kan Ukraine.
“Ukraine waa dagaal u dhexeeya laba dal, laakiin la dagaallanka kooxaha argagixisada oo aan xiriir caalami ah lahayn waa mid kale. Waxaan u baahanahay taageero. Madaxweyne Trump waa nin ficil ah; wuxuu fuliyaa waxa uu sheego. Waxaan rajeyneynaa inuu indhihiisa ku eegi doono Soomaaliya,” ayuu raaciyay.
Markii la weydiiyay haddii uu la kulmi doono Madaxweyne Trump, wuxuu sheegay in uu doonayo in uu bixiyo sawir dhab ah oo ka tarjumaya Soomaaliya, si loo jabiyo aragtida khaldan ee laga hayo dalka.
“Dadka Mareykanka waxaa saameeya filimada sida Black Hawk Down iyo Captain Phillips. Kuwani waxay muujinayaan in Soomaaliya tahay meel xun, balse dhab ahaantii, Soomaaliya ma aha meel xun,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka hadlay dhaxalka uu doonayo in uu ka tago, isagoo carrabka ku adkeeyay in uu rabo Soomaaliya nabdoon, dimuqraadi ah, oo xiriir dhow la leh Mareykanka.
“Waxaan rabnaa Soomaaliya xor ka ah Al-Shabaab, Soomaaliya dimuqraadi ah, iyo Soomaaliya oo saaxiib waqti dheer la ah Mareykanka,” ayuu yiri.