U bood dhigaalka

Trump oo shaaciyay in ay beegsan doonaan oo Leyn doonaan Kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shaaca ka qaaday inuu amray duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya.

Trump ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday xubno argagixiso ah oo ku dhuumaaleysanayay godod, kuwaas oo halis ku ahaa Mareykanka iyo xulafadiisa.

Trump oo fariin soo dhigay barta X ku yiri: “Militarigaygu wuxuu beegsaday weeraryahan sare oo ka tirsan Daacish iyo xubnaha uu hoggaaminayay. Waxaan burburinnay godadkii ay ku jireen, waana dilnay argagixiso badan iyada oo aan waxyeello loo geysan dad rayid ah.”

Sidoo kale, Trump ayaa weerarkan ku tilmaamay mid uu muddo badan la sugayay, balse maamulka Joe Biden uusan si degdeg ah uga falcelin. Wuxuu intaas ku daray in farriinta ay Mareykanka dirayso tahay: “Waan idin heli doonnaa, waana idin dili doonnaa!”

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulka Puntland uu dagaal ballaaran ka wado buuraha gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugan yihiin malleeshiyaadka Daacish ee Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa horay weerarro la beegsaday kooxdaasi, waxaana bishii May ee sannadkii hore ay ka fulisay duqeyn ay sheegeen in lagu beegsaday hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, kaasoo ka badbaaday weerarkaasi.