Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Xasan Maxamed ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Bare, uu amray in la hakiyo qaadista lacagaha loogu talagalay tallaalka musaafiriinta iyo xujeyda ilaa amar dambe.
Lacagahaan ayaa lasoo rogay todobaadkaan. Waxaana la doonayay in dadka dalka baxaya laga qaado lacago xilli badankood ay sheegeen in aysan awoodin.
“Anagoo fulinaya amar ka soo baxay Ra’iisal Wasaaraha, waxaan farayaa in la hakiyo qaadista lacagaha lagu soo rogay tallaalka musaafiriinta iyo xujeyda ilaa amar dambe. Ra’iisal Wasaaraha ayaa amray in arrintan dib u eegis lagu sameeyo, waxaana la go’aamiyay in inta dib u eegistu socoto aan la qaadi karin wax khidmad ah oo la xiriira tallaalladan,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Maxamed Xasan Maxamed.




From the comments