Ciidamada Difaaca Puntland ayaa saaka dagaal dhowr jiho ah ku qaaday buuraleyda Tog-Jaceel ee Calmiskaad, halkaas oo xalay laga maqlay duqaymo xooggan.
Shalay halkaasi waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray Ciidamada Difaaca Puntland iyo kooxda IS, kaas oo la isku adeegsaday hub culus.
Dagaalka saaka billowday ayaa ah mid sii xoojiyay howlgalka ay Puntland ka waddo gobolka Bari.




From the comments