Laamaha ammaanka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku qabtay mid kamid ah xubnaha ajaaniibta ah ee Kooxda ISIS.
Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in ninkan la qabtay uu bixiyey macluumaad muhiim ah oo la xiriira dagaalka ka socda buuraha Cal Madow iyo qorshayaasha kooxda
Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa yiri “Howlgalkan waxa uu qeyb ka yahay dadaallada aan ku ciribtirayno argagixisada. Ninkan la qabtay waxa uu ka mid ahaa ajaaniibta ku sugan Soomaaliya, waxaana laga helay xog muhiim ah oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ISIS.”




From the comments