Maxaa laga ogyahay ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Uganda?
Sheeko:Madaxweynaha 10-aad
Madaxwaynaha Jumhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimada Dalka Uganda.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulamo la qaadan doono dhigiisa dalkaas madaxweyne Yoweri Museveni, iyo masuuliyiinta kale dowladda Uganda.
Madaxweyneyaasha labada dalka ayaa wada hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo la dagaalnaka argagaxisada, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada JFS Mudane Cabdiraxmaan Aadam Cali (Xadaana).