U bood dhigaalka

Netanyahu: Sacuudigu dhulkiisa falastiin dowlad ha uga dhiso

Ra’iisul Wasaaraha maamulka Israa’iil  Netanyahu ayaa wareysi uu siiyay Channel 14 ku sheegay in Sacuudigu uu awoodo inuu dhiso ​​dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin oo ku taal gudaha Sacuudiga, sababtoo ah waxay leeyihiin dhul ballaaran sida uu hadalka u dhigay.

Netanyahu ayaa carrabka ku adkeeyay inaysan jiri doonin dowlad falastiiniyiin ah wixii ka dambeeyay 7-da Oktoobar, maxaa-yeelay buu yiri xilligaas waxaa jirtay dowlad noocaas ah oo ay maamusho Xamaas, natiijadeedu’se waxay ahayd xasuuqii ugu weynaa tan iyo Holocaust, sida uu sheegay.

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu booqasho ku tagey magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka, ayadoo la fahamsanyahay in Trump uu wado qorshe uu ku doonayo in dhulkooda looga musaafiriyo dadka reer Qasa, kaas oo ay diidanyihiin dalalka dunida intooda badani.