U bood dhigaalka

Iran oo ku hanjabtay inay xirayso marin bilood Hormus

Iraan ayaa ku goodisay inay xirayso marin biyoodka Hormus ee gacanka Faaris, ayadoo tillaabadaas sheegtay inay uga jawaabayso go’aanka maamulka Trump uu ku dhimayo saliidda ay dhoofiso Tehran.

taliyaha ciidamada badda ee ilaalada kacaanka Iran ayaa ka digay in haddii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay qorshe uu ku dhimayo dhoofinta saliidda Iran, dhankooda ay awood u leeyihiin inay xiraan marin-biyoodka Hormuz.

Madaxweyne Trump ayaa dhowaan saxiixay amar lagu dhimo saliidda ay dhoofiso Iran, si Tehran loogu cadaadiyo inay ku noqato miiska wada xaajoodka Nukliyeerka, laguna soo rogo cunaqabatayn dhaqaale oo adag.