U bood dhigaalka

Jamhuuriyadda Dimoquraadiga ah ee Koongo oo maxkamadaynaysa ku dhowaad 80 askari oo loo haysto inay ka carareen kooxda M23

Dowladda dalka Jamhuuriyadda Dimoquraadiga ah ee Congo ayaa maanta oo Isniin ah dacwad kusoo oogtay ugu yaraan 75 askari oo ka baxsanayay dagaalka fallaagada M23 ee ay Rwanda taageerto.

Askartan ayaa lagu eedeeyay inay ka carareen dagaal ay M23 kula galeen gobolka Kivu  ee ku yaalla Koonfurta bari ee dalkaas, halkaas ay ka dheceen rabshado xooggan oo ka dhashay weerarrada jabhada, islamarkaana dad rayid ah ay waxyeello ka soo gaartay.

xafiiska dacwad oogaha militariga ayaa sidaas ayaa sheegay in askartaas la maxkamadaynayo, ayadoo lagula xisaabtamayo sida ay difaaca dalka uga carareen, islamarkaana mas’uuliyaddii ay u dhaarteen ay u gabeen.

Jamhuuriyadda Dimoquraadiga ah ee Koongo ayaa sidaan oo kale bilo ka hor makaxmadaysay ka dibna dil toogasho ah ku xukuntay in ka badan 20 askari oo lagu eedeeyay ka cararka furimaha dagaalka ay dowladdu kula jirto fallaagada M23.