U bood dhigaalka

Trump oo si cad u sheegay inuu la wareegayo marinka Qasa

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si cad u sheegay inay ka go’antahay inuu la wareego oo iibsado marinka Qasa, islamarkaana uu haddii laga maarmi waayo qeybo kamid ah siin doono dalalka gobolka.

Trump oo wariyaasha la hadlayay asagoo diyaarad uu ku safrayo saaran ayaa intaas ku daray in Qasa uu dib u dhis xooggan ku samayn doono, islamarkaana mashaariic hormarineed oo waaweyn uu ka fulin doono.

Trump ayaa dhanka kale sheegay in Xamaas uu ka ilaalin doono inay mar dambe ka taliso Qasa, asagoo xusay in dadka reer Falastiin uu u damaanad qaadayo inay si nabad-gelyo ah dunida ugu noolaadaan.

Maamulka Trump ayaa wada qorshe dadka reer Qasa dalalka loogu rarayo, balse dunida inteeda badani hindisahaas way diidantahay, dowladaha Carabtuna shir degdeg ah ayay 27-ka bishan arrintaas ka yeelan doonaan sida ay shaacisay Masar.