Golaha Wasiirrada Sucuudiga oo soo saaray qaraar ay ku diiddan yihiin barakicinta falastiiniyiinta
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/11223559/95388-1600x1200.jpg)
Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in Golaha Wasiirada Sacuudiga ay si cad u diideen hadalada xagjirka ah ee Israel ee ku aaddan barakicinta shacabka Falastiin oo la doonayo in dhulkooda laga raro.
Golaha wasiirradu waxay intaas ku dareen in qadiyada Falastiin ay lama taabtaan u tahay Sacuudiga, waxayna carrabka ku adkeynayeen in nabad waarta aan la gaari doonin marka laga reebo in la aqbalo mabda’a nabad ku wada noolaanshaha iyadoo loo marayo xalka labada dal.
Dhanka kale boqor Cabdallaha Labaad ee Urdun ayaa sheegay inuu ka soo dhooweynayo in dalkiisa la keeno in ka badan 2000 kun oo Falastiiniyiin ah, sidoo kale uu eegi doono mowqifka Masar ee ku aaddan qorshaha Trump ee barakicinta dadka reer Qasa.
Boqorka oo aqalka cad kula kulmay Trump ayaa u muuqda in uu ka soo dabcay go’aankiisii ahaa inaan dadka reer Qasa la bakicin karin.