Madaxweyne Erdogan “waa in degdeg loo soo afjaro gumeysiga Israa’iil”
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/11114408/GettyImages-1230127271.jpg)
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdoğan oo ka hadlayay xaaladda marinka Qasa iyo tillaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen Israa’iil iyo Mareykanku ayaa sheegay in loo baahanyahay in la soo afjaro gumeysiga maamulka Israa’iil, islamarkaana la dhiso dowlad madax-bannaan oo falastiin leedahay.
“Gumeysiga Israa’iil waa in si degdeg ah loo soo afjaraa, waana in la dhiso dawlad Falastiini ah oo ay caasimad u tahay bariga Quddus, Waxaan aragnaa in Israa’iil ay isku dayayso inay ka fogaato shuruudaha heshiiska xabbad-xabbad-joojinta” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Mareykanku uu saacado ka hor sheegay in haddii muddo 5 maalmood ah Xamaas ay ku soo deyn wayso dadka gacanta ugu jira, xabbad-joojintu ay meesha ka bixi doonto.