U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Amiirka dowladda Qatar oo ka wada-hadlay xoojinta xariirka labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, si looga mira dhaliyo danaha labada shacab.

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda wada shaqaynta labada dal, si loo xoojiyo xiriirka adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.