Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Ganacsade la sheegay inuu Alshabaab garsoor u doontay

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lix bilood oo xarig ah ku ridday Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne, ayaa lagu eedeeyey inuu garsoor u doontay maxkamad ay leeyihiin Al-shabaab oo ku taalla deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellaha hoose, taas oo uu ka dacweeyey Afar qof oo uu deyn ku lahaa.
Eedeysanaha oo ah Ganacsade leh dukaan lagu iibiyo raashinka, ayaa ka hor inta uusan u tagin Al-shabaab, waxa uu afarta qof ka dacweeyey Maxkamadda degmadda Kaxda, taasi oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan, balse mid kamid ah afartii uu dacweeyey ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiskooda loo wareejiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Eedeysanaha ayaan tagin Maxkamadda gobolka Banaadir, taas beddelkeedana waxa uu u dhaqaaqay in Kooxda u dacwoodo, waxaana markii uu soo laabtay ay Hay’addaha ammaanka ka qabteen degmadda Kaxda Lix iyo Tobanka Bishii kow iyo tobnaad ee sanadkii hore 2024.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne Lix Bilood oo Xabsi argagixiso ah.