U bood dhigaalka

Trump oo ku hanjabay inuu baabi’in doono heshiiska xabbad-joojinta Qasa

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu baabi’in doono heshiiska xabbad-joojinta Qasa, haddii Xamaas ay muddo 5 maalmood ah ku sii dayn wayso Israa’iiliyiinta ay gacanta ku hayso.

Trump oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in haddii dhammaan la haystayaasha  Israa’iil lagu sii deyn waayo ilaa12-ka  duhurnimo ee maanta Sabtida ah ee soo socata, uu dalban doono in xabbad joojinta Qasa meesha laga saaro.

Trump ayaa taniyo markii xaafiiska yimid bishii Janaayo wuxuu qaaday tillaabooyin ka dhan ah dadka reer Falastiin, wuxuuna saacado ka hor sheegay inuu doonayo inuu iibsado guud ahaan marinka Qasa, islamarkaana uu mashaariic hormarineed oo waaweyn ka fuliyo, ayadoo dadka deggan laga rarayo.