Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii labaad ku guda jira Safarkiisii Shaqo ee uu ku tagay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta waxa uu kulan mihiim ah leeshay 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐦𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐧 𝐑𝐚𝐬𝐡𝐢𝐝 𝐀𝐥 𝐌𝐚𝐤𝐭𝐨𝐮𝐦 oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Raysal Wasaaraha Dalka Imaaraadka Carabta , isla markaana ah Amiirka Mandaqadda Dubia.
Sidoo kale, Madaxweynaha JSL waxa uu la kulmay 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐚𝐧𝐬𝐨𝐮𝐫 𝐁𝐢𝐧 𝐙𝐚𝐲𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐧 𝐒𝐮𝐥𝐭𝐚𝐧 𝐀𝐥 𝐍𝐚𝐡𝐲𝐚𝐧 oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Raysal Wasaare ku xigeenka dalkaasi, isla markaana ah Wasiirka Arimaha Madaxtooyada ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu Dawladda Imaaraadka Carabta uga mahad naqay Marti-qaadka Rasmiga ah iyo maamuuska sare ee loo fidiyey si uu uga qeyb galo Shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladdaha Caalamka.




From the comments