QM oo sheegtay in dib u dhiska marinka Qasa ay ku baxayso $53 bilyan oo dollar
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/12095537/219d5814f9e9f60d60879969a5bdcc22.jpeg)
Dib u dhiska Qasa iyo wax ka qabashada masiibooyinka bini’aadantinimo ee ay sababeen weerarrada Israa’iil waxay u baahan doontaa in ka badan $53 bilyan, iyada oo $20 bilyan loo baahan yahay saddexda sano ee ugu horreysa, sida lagu sheegay qiyaas ay sameysay Qaramada Midoobay.
In kastoo aysan suurtagal ahayn jawiga hadda jira in si buuxda loo qiimeeyo wadarta guud ee baahiyaha ka jira Qasa, haddana qeymeyntan ayaa muujinaysa baaxadda culaysyada ku gadaaman dib u dhiska marinka 16-kii bilood ee la soo dhaafay isku badalay xabaalaha dadka nooli dul joogaan.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa horey u sheegay in dib u dhiska marinka Qasa ee dagaalka ka dib ay u baahan doono dadaal caalami ah oo ah noqan kara kii ugu ballaarnaa wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee aduunka.