U bood dhigaalka

Soomaaliland oo sheegtay in shirkii dhowaan Imaaraadka ka dhacay ay Soomaalida oo dhan ku matalaysay

Sheeko:War

Ayadoo uu dhowaan madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro ka qeyb-galay shirkii dowladaha adduunka ee world Governments summit, kaas oo ka dhacay dalka isku tagga Imaaraadka carabta ayaa Soomaaliland waxay sheegtay in shirkaas ay Soomaalida oo dhan ku malataysay.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliland Shiikh Ayaane ayaa sheegay in Soomaaliland inay fursad u heshay in madal ay joogaan in ka badan 140 dal ay ka qeyb-gasho, kaas oo uu sheegay inay ku matalaysay dhammaan dadka Soomaaliyeed.


Madaxweynaha Soomaaliland ayaa dhowaan ka qeyb-galay shir madaxeedka dowladaha aduunka ee world governments Summit, kaas oo dowladda Imaaraadku ay si gaar ah ugu marti-qaaday.

Mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb-galay shirkaas magaalada Dubai u tagey ayaa la sheegay inay markii dambe ka baaqsadeen, ka dib markii Soomaaliya ay ka xumaatay hab-dhaqanka xadgudubka ah ee Imaaraadka.