Culumada Azhar oo ku baaqay in la taageero mowqifka Masar ee ku aaddan dib u dhiska Qasa
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/13150020/272px-Al_Azhar_Al_Sharif_logo.png)
Culumada Jaamacadda Al-azhar Al-Shariif oo kamid xurumaha diineed ee ugu waaweyn dunida Islaamka ayaa ku baaqay in la taageero mowqifka dowladda Masar ee ku aaddan dib u dhiska marinka Qasa.
War qoraal oo ay soo saartay Al-Azhar ayaa sidoo kale lagu sheegay in Falastiiniyiintu ay dhulkooda ku sugnaadaan oo aan la aqbali karin in meelo kale loo barakiciyo, waxayna Az-har intaas ku dartay in madaxda dunidu ay si mas’uuliyadi ku jirto u eegaan xuquuqda Falastiiniyiintu ay u leeyihiin inay dhulkooda ku noolaadaan.
Dowladda Masar oo uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku cadaadinayo in dalkeeda loo barakiciyo dadka ku nool marinka Qasa ayaa dhowaan ku dhawaaqday go’aan ah inay taageersantahay in Qasa dib u dhiska lagu sameeyo ayadoo aan dadka laga barakicin.