Maamulka Israa’iil iyo ururka wax iska caabinta falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa qaaday tillaabooyin hoos u dhigaya walaacii laga qaday in xabbad-joojinta marinka Qasa ay burburto ka dib markii labada dhinacba is diideen fulinta qodobo ku jiray heshiiska.
Israa’iil ayaa saacadihii la soo dhaafay oggolaatay in kolonyo gaadiid gargaar sida ahi ay galaan Qasa, sidoo kalena ay dadku guryahooda ku noqdaan, taas oo ay Xamaas horay ugu xirtay sii deynta la-heysteyaasha Israa’iiliyiinta ah.
Dhanka kale Xamaas ayaa sheegtay inay fulinayso dhammaan qodobadii heshiiska xabbad-joojinta ah oo ay ku jirto inay maxaabiista lagu sii daayo xilligii loo qorsheeyay.




From the comments