U bood dhigaalka

Xamaas oo ku baaqay in muslimiinta dunidu ay sameeyaan bannaanbaxyo looga soo horjeedo barakicinta dadka reer Qasa

Ururka reer Falastiin ee Xamaas ayaa dhammaan dadka muslimiinta ah ee daafaha dunida ku kala nool ugu baaqday inay sameeyaan bannaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo qorshaha Mareykanka iyo Israa’iil ee lagu doonayo in Marinka Qasa dadka deggan looga barakiciyo.

War qoraal ah oo ay soo saartay Xamaas ayaa dadweynaha musliimta ah ee daafaha dunida ku nool looga codsaday inay maalmaha sabtida iyo Axadda ah ee soo socda sameeyaan dibed-baxyo waaweyn oo lagu muujinayo diidmada qorshaha Trump ee ku wajahan Qasa.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu dadaal ugu jiro inuu dunida ka dhaadhiciyo damiciisa ah in dadka ku nool marinka Qasa dhulkooda laga saaro, islamarkaana Israa’iil iyo Mareykanka ay gacan ku haynta Qasa si buuxda ula wareegaan.