Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar maxkamadeed oo ka dhan ah Axmed Ciise Guutaale, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, iyada oo ku eedeysay inuu hor-istaagay fulinta go’aammo maxkamadeed.
Sida ku cad qoraal rasmi ah oo ay maxkamaddu dirtay, Axmed Ciise Guutaale ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay faragelin sharci-darro ah oo saameyn ku yeelatay go’aamada maxkamadaha.
Waxaa lagu wargeliyay inuu hortago Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda, 16-ka Febraayo 2025, saacadda 10:00 subaxnimo, si wax looga weydiiyo eedaha loo soo jeediyay.




From the comments