U bood dhigaalka

Xamaas oo maanta sii deynaysa 3 kamid ah la-haysteyaasha Israa’iil

Kooxda wax iska caabinta falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa maanta sii daynaysa 3 kamid ah Israa’iiliyiinta ay ku hayaan marinka Qasa, taas oo qeyb ka ah heshiiska xabbad-joojinta ah ee labada dhinac.

Muuqaal la soo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya cutubyo aad u hubaysan oo seddaxda la-hayste u sii wada goobta ay joogaan gaadiidka bisha cas ee is-waydaarsiga maxaabiista fududaynaya.

3-da la-hayste ee maanta la sii daynayo ayaa kala ah Alexander troufanov oo ah Israa’iili haysta dhalashada Ruushka, yair Horn oo asna haysta dhalashada Arjantiin, Sugai Dekel chem oo ah Israa’iili haysta dhalashada Mareykanka, waxayna Xamaas ku badelanaysaa 369 maxbuus oo ku jira xabsiyada Israa’iil.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in 15-ka Feebaraayo oo maanta ku beegan haddii ay Xamaas, maxaabiista oo dhan sii deyn wayso wax waliba ay is badeli doonaan, balse dadaal ay dhexdhaxaadiyaashu galeen ayaa suurta-galiyay in heshiisku aanu burburin.