U bood dhigaalka

Sucuudiga oo marti-gelinaya shir u dhexeeya Ruushka iyo Mareykanka

Dowladda Sucuudiga ayaa todobaadka soo socda marti-gelin doonta shir u dhexeeya masuuliyiin sar sare oo ka kala socda dalalka Ruushka iyo Mareykanka, kaas oo hordhac u ah kulan bishan dhammaadkeeda dhex mari doona Trump iyo Putin.

Shabakadda Bloomberg oo soo xiganaysa masuuliyiin sucuudiyaan ah ayaa sheegay in shirkan oo ka dhacaya magaalada madaxda Riyadh ay qaban-qaabisay Boqortooyada Sucuudigu, islamarkaana looga hadlayo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine.

Dhammaadka bishan ayaa la filayaa in kulan toos ahi uu dhex maro madaxweyneyaasha Mareykanka, Ruushka, iyo Ukraine, kaas oo la doonayo in xal looga gaaro dagaalka sanadkii seddaxaad ka socda dalka Ukraine.