Magaalada Gqeberha ee dalka Koonfur Afrika waxaa lagu toogtay Muhsin Hendricks oo ahaa imaam Koonfur Afrikaan ah, sidoo kalena ahaa caalim Islaami ah oo dhaqdhaqaaqa dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda ee loo yaqaanno LGBT.
Nin oo maamuli jirey masaajid ayaa la toogtay, ka dib markii gaari uu la socday rasaas lagu furay, sida ay sheegeen booliiska gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.
Muhsin Hendricks ayaa loo arkaa imaamkii ugu horreeyay ee asagoo masaajid maamula, haddana ka tirsanaa kooxda LGBT, waxaana dilkiisa loo xiray laba tuhmane sida laga soo xigtay laamaha ammaanka Koonfur Afrika.




From the comments