Madaxweyne Deni oo bogaadiyay gurmad loogu talagalay dagaalka Daacish oo ay Puntland ka heshay Galmudug
Sheeko:War

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay wafdiga ka socday Galmudug, kuwaasi taakulo iyo garab istaag u muujiyey ciidanka dagaalka kula jira kooxda Daacish.
Wafdiga Galmudug ayaa taakuladii ay wadeen ku wareejiyeen guddiga taakuleynta iyo daryeelka hawlgalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Madaxweyne Deni ayaa boggaadiyey garab istaaga Galmudug u muujisay ciidanka Puntland iyo hawlgalka ka socda gobolka bari, wuxuuna xusay in ay muhim tahay in meel looga soo wada jeesto kooxaha Daacish iyo Alshabaab.