Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray Hosbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay maalgelinta adeegyada caafimaadka oo, baahi weynna ay u qabaan dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mashruucan hirgeliyey, waxa uuna xusay in dadaallada noocaan ah ay qeyb ka yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta safarrada caafimaad ee dibadda.
“Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa. Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen”.




From the comments