Ugu yaraan 9 qof ayaa dhintay , kuwaas oo siddeed ka mid ahi ay ku sugnaayeen gobolka Kentucky, ka dib markii ay saameeyeen qaboowga daran ee xilliga jiilaalka iyo daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobollo dhowr ah oo ku yaalla Mareykanka.
Guddoomiyaha gobolka Kentucky, Andy Beshear, ayaa sheegay in boqollaal qof laga soo samatabixiyay meelaha ay daadadku ku dhufteen.
Wuxuu intaas ku daray in dadka dhintay ay ku jireen hooyo iyo ilmo yar oo 7 jir ah oo ay dhashay, kuwaas oo baabuurkii ay la socdeen ay liqeen biyo jooggoodu aad u sareeyay.




From the comments